BREAKING NEWS

Madaxweynaha Koofur Galbeed oo DF kula taliyay iney shacabka u adeegsato dagaalka Shabaab

Madaxweynaha Dowlad-Goboleedka Koonfur Galbeed Cabdi Casiis Xasan Maxamed laftagareen ayaa si kulul uga hadlay qarixii ismaadaaminta ahaa ee khasaaraha badan dhaliyeymkaas ee ka dhacay Isgoyska Ex-koontorool Afgooye ee Muqdisho.

Waxaa uu sheegay in halkaasi dadka lagu xasuuqay ay dhamaantood ahaayeen kuwii ugu fiicnaa Shacabka Soomaaliyeed,isla markaana ay ka dambeeyeen Al-Shabaab oo uu sheegay inay Shacabka beegsanayaan.

“Waxa ay aheed xili subax ah oo ardadu Iskuulada u socdeen,shaqaaluhu ay shaqadooda u dareereen,dadkii xoogsata ahaa ayaa lalaayay marka dadkii Soomaalida uga Feecnaa ayaa la beegsanaa,waxaan rajaynaa in shacabka Soomaaliyeed fahmayaan in iyaga labeegsanayo oo ay meel uga soo wada jeestaan” ayuu yiri Madaxweyne Laftagareen.

Cabdicasiiz Laftagareen Madaxweynaha Koofur Galbeed Soomaaliya ayaa u mahadceliyay Dowladaha Turkiga iyo Qater oo uu sheegay in ay dhaqaatiir iyo Daawo u soo direen Soomaaliya.

“Waxaa Gurmad nasoo gaarsiiyay Dowladaha Turkiga iyo Qater oo dhaqaatiir iyo daawaba dadka soo gaarsiyay,dhawicii darnaana qaaday Runtii waa mahadsanyihiin”ayuu hadalkiisa raaciyay

Sidoo kale waxaa uu hadalkiisa intaasi ku daray in loo baahan yahay in Shacabka Soomaaliyeed iyo dowladda Federaalka inay u midoobaan dagaalka ay kula jiraan dagaalyahanada Al-Shabaab.

Laftagareen ayaa hadalkaan sheegay markii uu shalay galinkii dambe ku laabtay Magaaladda Baydhabo ee Xarunta Gobolka Bay oo Xarun ku meel gaara u ah Maamulkiisa.

|| Warbaahinta WidhWidh Online News Desk ||

-- Nagala soo xariir : WidhWidh@gmail.com

Share this post

PinIt
    scroll to top