BREAKING NEWS

Wararkii Ugu Danbeeyay Xaalada Widhwidh

Ugu yaraan sagaal carruur ah ayaa degaanka Widhdhidh oo katirsan degmada Buuhoodle ee gobolka Cayn ugu geeriyooday cudurka maskax-garaadka ama meningitis, sida ay Widh Widh Online u xaqiijiyeen masuuliyiinta degaanka.

Dhowr iyo labaatan kale ayaa u jiifa xanuunkaan oo muddo toban cishe ka hor ka dilaacay degaankaas, kaasoo saf ka maray carruur badan.

Xanuunkaan ayaa markii hore la garan waayay waxa uu yahay, taasoo keentay geerida intaas le’eg, waxaana sidoo kale aad u liita xarumaha addeega caafimaadka ee degaankaas.

Puntland iyo Somaliland, oo mid walbaa uu sheegto degaankaas, ayaan weli ka hadlin dhibaatada halkaas ka taagan, inkastoo masuuliyiin degaanka ah ay direen qeylo dhaan ku saabsan in wax laga qabto xaaladaan taagan.

|| Warbaahinta WidhWidh Online News Desk ||

-- Nagala soo xariir : WidhWidh@gmail.com

Share this post

PinIt
    scroll to top