BREAKING NEWS

Ra’iisul Wasaaraha Dalka Somaliya Mudane Xasan Cali Khayr Ayaa Kaladiray Gudiga Doorashada Galmudug.{Akhriso}

Ra’iisul Wasaaraha Dalka Soamaliaya Mudane Xasan Cali Khaye ayaa amar kubixiyay in lakal diro Guddiga Khilaafaadka Galmudug oo wali kusugan Dhuusamareeb

Dadka iyo Beelaha Galmudug ayaa lagu amaany shaqada ay qabteen  taas oo sabab unoqotay in go’aankan larido

Kheyre ayaa sidoo kale amar ku bixiyay in lagu dhawaaqo liiska xildhibaanada ka dhiman baarlamaanka labaad ee Maamulka Galmudug, waxaana la ogyahay in guddiga doorashooyinka laga sugayo iney magacaabaan 69-ka xildhibaan ee haray.

Jimcadii ayey aheyd markii guddiga doorashooyinka Galmudug ay ku dhawaaqeen liiska 20-ka xildhibaan oo ay soo xusheen Ahlu-Sunna, waxaana la fahamsan yahay in dowladda ay ka shaqeyneyso sidii ay doorashada ugu dhici laheyd waqtiga loogu talagalay.

Dhawr jeer ayaa lagu fashilmay jadwalka doorashooyinka Galmudug, waxeyna guddiga filayaan hadda in kulamada Ra’iisul Wasaare Kheyre uu la yeelanayay Ahlu-Sunna iyo Odayaasha dhaqanka ay wax badan saxaan.

Sida la ogyahay Guddiga waxey ilo xog ogaal ah u sheegeen in dhawaan ay ku dhawaaqi doonaan 69-ka xildhibaan ee ka haray maamulka maadaama guddiga farsamada maamul u dhisidda galmudug ay aqbaleen liiska xildhibaanadii ay soo gudbiyeen Ahlu-Sunna.

|| Warbaahinta WidhWidh Online News Desk ||

-- Nagala soo xariir : WidhWidh@gmail.com

Share this post

PinIt
    scroll to top