BREAKING NEWS

Qorshaha kulanka Muuse Biixi iyo MD Farmaajo{Video}

Dawladaha reer galbeedka ayaa dedaal ugu jira in sannadkan cusub ee 2020 uu noqdo mid soo celiya wada hadaladii maamul beeleedka Somaliland iyo Soomaaliya ee istaagay.

HALKAN KA DAAWO VIDEO


Dawladaha reer galbeedka ayaa guclo ugu jira in sannadkan 2020 ay kulankoodii u horeeyay yeeshaan Muuse Biixi Cabdi iyo Maxamed Cabdillaahi Farmaajo, si loo soo celiyo wada hadalada Hargeysa iyo Muqdisho oo istaagay ka dib markii ay labada dhinac hawada isu mariyeen hadalo kulul oo sabab u noqday in wada hadaladu meesha ka baxaan.

Dalalkan ayaa waxay bilihii u dambeeyay ee sannadkii dhammaaday ee 2019 diblomaasiyiin jawi hoose ku socday u kala direen Hargeysa iyo Muqdisho kuwaas oo kulamo la yeeshay labada Madaxweyne kana dalbaday inay sameeyaan jawi wada hadalada lagu soo celin karo.

Dawladaha dedaalka ku jira waxa ka mid ah dawladda Sweden oo bishii November Hargeysa iyo Muqdisho u doo dirtay diblomaasi ka socday wasaaradda arrimaha dibadda ee Sweden oo kulamo kala duwan la yeeshay madaxda Somaliland iyo Soomaaliya.

Dawladda Soomaaliya ayaa miisaaniyada sannadka 2020 waxa ay wada hadalada Somaliland ugu dartay lacag qadarkeedu ku dhowyahay 500 oo kun oo dollar, waxase qoondadaas aad u dhaliilay xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya. Waxaanay guddi uu Madaxweyne Farmaajo u magacaabay wada hadaladu sheegeen inay doonayaan in wada hadaladu u bilaabmaan sida ugu dhaqsaha badan.

|| Warbaahinta WidhWidh Online News Desk ||

-- Nagala soo xariir : WidhWidh@gmail.com

Share this post

PinIt
    scroll to top