BREAKING NEWS

Alshabab Oo weerar Labaad Ku Qaaday Saldhig Ciidanka Kenya leeyihiin,

Wararka laga helayo Gobolka Jubbada Hoose ayaa waxaa ay sheegayaan in Xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab ay weerareen Saldhig Ciidamada Kenya ku leeyihiin deeganka kulbiyoow.

Weerarka kadib ayaa waxaa halkaasi ka dhacay dagaal geystay khasaaro kala duwan kaas oo socday in ka badan saacad sida ay sheegeen dad ku sugan deegaankaas,kaas oo dhex-marey Ciidamada Kenya iyo Al-Shabaab.

Si rasmi ah looma oga khasaaraha Guud ee labada dhinac kasoo gaarey dagaalkaas oo dhacay Xalay saqdii dhexe,waxaana dadka deegaanka ay sheegayaan in Ciidamada Kenya ay wadaan dhaq dhaqaaqyo Ciidan.

Weerarka lagu qaaday Saldhiga Ciidamada Kenya ee degaanka Kulbiyow ee Gobolka Jubbada Hoose ayaa kusoo aadaya 24 Saac markii Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen Xerada SIMBA ee Gobolka lamu halkaas oo saldhig ay ku leeyihiin Ciidamada Cirka ee dalalka Mareykanka iyo Kenya.

|| Warbaahinta WidhWidh Online News Desk ||

-- Nagala soo xariir : WidhWidh@gmail.com

Share this post

PinIt
    scroll to top