BREAKING NEWS

Maamulka Israa’il oo Sir Culus Ka Qaraxday{Video}

Sirtii muddo caalamka laga qarinayey ee ahayd in Israel ay haysatio hub Nukliyeer ah, ayaa si lama filaan ah uga soo baxsatay ra’iisul wasaare Benjamin Netanyahu.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Netanyahu oo ka hadlayey Tel Aviv ayaa sheegay in Israel ay tahay quwad Nukliyeer, ka hora inta uusan isku nixin, isaga oo ceeb dareemayana si kale u dhigan sheekadaas.

Waxaa aad loo rumeysan yahay in Israel ay tahay quwad Nukliyeer, hase yeeshee marnaba ma aysan xaqiijin ama beenin, ayada oo sanado badan adeegsaneysay siyaasad ah inaysan ka hadlin arrintaas.

Hase yeeshee, Netanyahu oo ka qeyb-galay kulankii golaha wasiirada ee toddobaadkan, ayaa isaga oo luuqadda Hebrew-ga ku Akhrinaya heshiis gaas oo dhex maray Israel iyo Qubrus, ayaa si lama filaan ah u kashifay sirtii Yahuudda iyo Reer Galbeedka ay muddo qarinayeen.

Muhiimadda mashruucan waa inaan Israel u rogeyno quwad Nukliyeer” ayuu yiri Netanyahu, hase yeeshee kadib deg deg isku qabtay isagoo u beddelay “Waxaan ka wadaa quwad tamar

Netanyahu ayaa kadib xoogaa aamusay, kadibna sheegay inuu qalad sameeyey, wuxuuna guda galay inuu sii faah-faahiyo heshiiska Israel iyo Qubrus.

|| Warbaahinta WidhWidh Online News Desk ||

-- Nagala soo xariir : WidhWidh@gmail.com

Share this post

PinIt
    scroll to top