BREAKING NEWS

Ciidamada Ingriiska ee Kenya oo heegan sare la galiyay

Saldhiga ciidamada ingiriiska ee Kenya ee la yiraahdo BATUK ayaa heegan buuxa la galiyay, kadib markii la xiray saddex nin oo u muuqday inay sahminayeen meelaha ugu fudud ee lagasoo weerari karo saldhigaas.

Saddexda qof oo looga shakisan yahay inay katirsan kooxda Alshabab ayaa kasoo muuqday kaamerada qarsoon ee ku xiran xerada ciiddanka, xilli ay isku dayayeen inay sawirro ka qaataan marinada saldhiga.

Qabashada raggaan ayaa kusoo beegmaysa maalmo kadib markii la wareeray xerada ciidamada isku dhafka ah ee Kenya iyo Maraykanka, halkaas oo Alshabab waxyeelo culus ka geysteen.

BATUK, waa Saldhig qaabilsan tababarka ciidamada Ingiriiska ee Kenya waxaana uu  kuyaala gobolka Laikipia. 

Raggaan la xiray ayaa macluumaadkooda lala wadaagay ciidamada Kenya, waxaana la baarayaa inay yihiin kuwo lagu raad joogay oo maleegayay weeraro argigixso oo ka dhaca Kenya.

Kenya ayaa heegan sare ku jirta iyada oo kooxda Al-Shabaab ay u muuqato in ay bilawday weeraro abaabulan oo ay ku soo qaadayaan hawlgallada ka socda xeraha kala duwan ee ku yaal gobolka Lamu.

|| Warbaahinta WidhWidh Online News Desk ||

-- Nagala soo xariir : WidhWidh@gmail.com

Share this post

PinIt
    scroll to top