BREAKING NEWS

Dawlada Sacuudiga Oo shaacisay isbahaysi cusub

Sacuudi Carabiya ayaa ku dhawaaqay dhismaha gole ka kooban sideed waddan oo Carab iyo Afrikaan ah oo xaduud baddeed la wadaaga Badda Cas iyo Gacanka Cadan.

Boqorka Sacuudiga Salmaan ayaa qaabilay wasiirrada arrimaha dibadda ee Masar, Jordan, Ereteriya, Yemen, Suudaan, Soomaaliya, iyo Jabuuti magaalada Riyad wuxuuna ugu hambalyeeyay aasaaska golaha iyo saxiixa Axdiga Golaha.

Intii uu socday kulanka, wasiirradu waxay ka wada hadleen sidii loo horumarin lahaa iskaashiga ka dhexeeya waddamada xuduudda la leh Badda Cas si loo xoojiyo amniga iyo xasilloonida gobolka, sida ay sheegtay Wakaaladda Wararka ee Sacuudiga.

|| Warbaahinta WidhWidh Online News Desk ||

-- Nagala soo xariir : WidhWidh@gmail.com

Share this post

PinIt
    scroll to top