BREAKING NEWS

Alshabaab Oo Sheegatay Qarixi Maanta Kadhacay Agagaarka Madaxtooyada .{Akhriso}

Xarakada Alshabab Ayaa sheegatay Masuuliyada Qarax Ismiidaamin ah oo Maanta kadhacay Koontoroolka laga ilaaliyo Madaxtooyada Somaaliya ee kuyala Agagaarka isgoyska Sayidka Magaalada Muqdsihso

Warbixin kasoo baxay Al Shabaab ayaa lagu sheegay in qarax ku weerareen koontarool laga ilaaliyo Madaxtooyada oo kuyaala Isgooska Sayidka, waxa ayna Al Shabaab sheegeen in qaraxa lagu dilay sidoo kale lagu dhaawacay xubno katirsan dowlada.

Al Shabaab ayaa sheegtay in goobta qaraxa lala beegsaday ay xiligaasi ku sugnaayeen masuuliyiin katirsan dowlada ay ku jiraan Xildhibaano kuwaa oo kusii jeeday xarunta Madaxtooyada.

Weerarkan ismiidaaminta ah ee Al Shabaab maanta ku qaaday koontaroolka laga ilaaliyo xarunta Madaxtooyada Soomaaliya ayaa dhaliyay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac, waxaana dadka dhintay ku jiray agaasime katirsanaa Wasaarada haweenka.

|| Warbaahinta WidhWidh Online News Desk ||

-- Nagala soo xariir : WidhWidh@gmail.com

Share this post

PinIt
    scroll to top