BREAKING NEWS

Diyaarad Aysaarnaayeen 180 Qof Oo kuburburtay Dalka Iiraan.{Akhriso}

Diyaarad Rakaaba oo laga leeyahay Dalka UKrine ayaa kusoo Dhacday Deegaanka Paran ee koonfurta Galbeed Magaalada Tehran Caasimada Dalkaas waxa yare kadib markii aya kakacada Garoonka Diyaaradaha Imaam KHomein Airpot .

Diyaaradan oo nuuceedu ahaa Boeing 737 -800 jet ayaa siday rakaad gaaraya 170 qof sida aan kasoo xiganay wakaalada wararka AP, waxaana Bisha Cas ee Iiraan ay sheegeen in aysan waxba hada ka badbaadin.

Telefishinka Iiran ayaa sidoo kale shaaciyay in dhammaan rakaabkii saarnaa diyaarada ay geeriyoodeen.

Shirkada la socota Dhadhaqaaqyada duullimaayada ee FlightRadar24 ayaa sheegtay in diyaaradan nuuceedu yahay Boeing 737 ay shaqeyneysay ku dhawaan sadex sano iyo bar, sidoo kale wakaallada wararka ISNA ee kasoo baxda dalka Iiran ayaa sheegay shirkan uu u dhinacay sababo la xiriira farsamo.

FlightRadar24 ayaa sheegtay in duullimaadka caalamiga ah ee u socday Kyiv caasimada Ukriane uu qorsheesnaa inuu kicitimo saacada Tehran marka ay tahay 5:15am.

|| Warbaahinta WidhWidh Online News Desk ||

-- Nagala soo xariir : WidhWidh@gmail.com

Share this post

PinIt
    scroll to top