BREAKING NEWS

Iran Oo Shaacisay Weerarkii ayQadeen Bishan Tirada kudhimtay Ciidamada Maraykan .{Akhriso}

Talafishinka Dawlada Iran Ayaa Sheegay in ugu 80 Askari Lagu dilay Weeraradii ay Bishan kuqadeen Maraykan ah

Taleefishinka ayaa sidoo kale sheegay in Mareykanka ay ku guul-darreysteen in xitaa hal ka mid ah gantaallaadeeda dhexda laga qabto.

Sheegashada Iran looma xaqiijin karo si madax-banaan, islamarkaana taleefishinka dowladda sooma bandhigin wax caddeymo ah.

Taleefishinka oo soo xiganaya Ciidamada Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah, ayaa sidoo kale sheegay in Iran ay diyaarisay 100 bartilmaameed oo ku yaalla Bariga Dhexe, oo ay beegsan doonto, haddii Washington ay qaaddo tallaabo aargudasho ah.

Hoggaamiyaha sare ee Iran, Ayatollah Ali Khamenei ayaa sheegay in weerarkii Iran ay xalay qaadday uu ahaa “dharbaaxo wejiga looga duiftay” Mareykanka, waxaana uu ku baaqay in ciidamada Mareykanka ay ka baxaan gobolka.

“Ficillada militari ee noocan ah kuma filna. Waxaa muhiim ah in lasoo afjaro joogitaanka musuq-maasuq ee Mareykanka ee gobolka,” ayuu Khamenei ku yiri khudbada laga sii daayey taleefishinka.

Dhinaca kale, dhammaan Mareykanka iyo dalalka xulufada la ah ee ciidamadooda ay ku sugan yihiin labada saldhig ee Iran ay weerartay ayaa sheegay in wax khasaare nafeed ah aysan soo gaarin askartooda.

|| Warbaahinta WidhWidh Online News Desk ||

-- Nagala soo xariir : WidhWidh@gmail.com

Share this post

PinIt
    scroll to top