BREAKING NEWS

Kenya Oo Shaacisay Magaca Ninki Hogaaminayay Weerarkii degaanka Sareedo

Ciidamada Booliska dalka kenya aya waxaa ay shaaciyeen Magaca Ninkii hoggaaminayey weerarkii Habeen hore lagu qaadey Saldhig ay leeyihiin Ciidamada Booliska Kenya oo ku yaalla deegaanka Sareedo,kaas oo ay ku geeriyoodeen dad Arday u badan.

Weerarka oo ka dhacay Xilli habeen ah tuulada Sareedo ee deegaanka Dadaab ee ismaamulka Garissa ayaa waxaa ku dhintey 4 Ruux oo isugu jira Saddex Arday iyo mid kamid ah Ciidamada Ammaanka.

Guddoomiyaha deegaanka Dadaab ,Kibet Bowen ayaa shacabka ugu baaqay inay muujiyaan feejignaan dheeri ah maadaama ay bateen Weerada Al-Shabaab,isla markaana ay la Shaqeeyaan Hay’adaha Amniga.

Boolisku waxaa ay sheegeen in weerarkaasi uu ka dambeeyey nin lagu magacaabo Mauliid Bilaal,kaas oo ka hor inta uusan ku biirin Al-Shabaab macalin ka ahaa Iksuul ku yaalla deegaankaas.

|| Warbaahinta WidhWidh Online News Desk ||

-- Nagala soo xariir : WidhWidh@gmail.com

Share this post

PinIt
    scroll to top