BREAKING NEWS

Kenya Oo Shaacisay Ninkii Kadanbeeyay Weererkii Sareedo.{Akhriso}

Dawlada kenya ayaa soo bandhigtay Warbixin kusaabsan weerarkii Alshabaab kuqadeen Habeen Hore Saldhiga Ayleeyihiin Ciidamada Booliska kuyaala Deegaanka Sareeso .

Ciidamada Booliska dalka kenya ayaa soo bandhigay magaca nin ay sheegeen inuu hoggaaminayey weerarkii Sareedo kaasoo lagu dilay ciidamo Kenyan ah iyo arday.
Weerarkan ayaa waxaa kadanbeeyay Nin lagu Magacaabo Mawliid Bilaal ,Kasoo ay sheegeen inuu Macalin ka ahaa Iskuul kuyaala Deegaanka SAREEDO

Sida ay Kenya sheegtay, weerarkaas ayaa waxaa ku dhintay 4 qof oo isugu jirtay seddex Arday iyo mid kamid ah Ciidamada Ammaanka Kenya, inkastoo ay Al-Shabaab sheegatay tiro intaas ka badan.

Kibet Bowen oo ah Guddoomiyaha deegaanka Dadaab ayaa shacabka ugu baaqay inay muujiyaan feejignaan dheeri ah maadaama ay bateen Weerada Al-Shabaab, isla markaana ay la Shaqeeyaan Hay’adaha Amniga.

Al-Shabaab ayaa laba jibaaray weerarada ay ka fuliyaan Gudaha Kenya, waxayna wargeysyada kasoo baxo Dalka Kenya qoreen inay dadka Shacabka ah bilaabeen inay ka barakacaan goobaha u dhow Saldhigga Mareykanka ee Lamu.

Kooxda Al-Shabaab ayaa mar hore wacad ku martay inay wadi doonto weerarada laga fuliyo Gudaha Kenya inta ay dowladda Kenya kala baxeyso Ciidamada ka joogo Soomaaliya oo intooda badan ku sugan Gobolka Gedo iyo Jubbooyinka, Halka madaxweyne Uhuru Kenyatta uu isna sheegay inuusan lasoo bixi doonin ciidamadiisa inta Al-Shabaab laga ciribtirayo.

|| Warbaahinta WidhWidh Online News Desk ||

-- Nagala soo xariir : WidhWidh@gmail.com

Share this post

PinIt
    scroll to top