BREAKING NEWS

Masuul Dawlada Somalia Ka TIsan Oo Qaraxii Maanta Ku Dhintay?

Dawlada Soomaaliya ayaa waxay si hordhac ah usheegtay in qaraxii maanta ka dhacay agagaarka Isgoyska sayidka uu ahaa Walxo qarxa oo Baabuur lagu soo dhejiyey.

Balse Al Shabaab ayaa ku faanay inay Ismiidaamin ka fuliyeen Koontarool laga ilaaliyo Madaxtooyada Soomaaliya oo ku dhaw Sayidka.

Afhayeenka Gobolka Banaadir Saalax dheere ayaa xaqiijiyey in Qaraxaasi ay ku dhinteen Seddex Qof ayna ku dhaawacmeen Lix Qof kale.

Dadka ku dhintay Qaraxaas waxaa Warqaad ay xaqiijisey inuu ku jiro Agaasimahii Maamulka iyo Maaliyadda Ee Wasaarada Haweenka & Xuquuqul Insaanka Soomaaliya Bile Ismaaciil.

Eheladiisa iyo Asxaabtiisa qaar waxay noo sheegeen in Bile Qaraxaasi uu ku dhintay kadib Gaari ku jiray Safka Baaritaanka uu saarnaa oo Firir ka galay Madaxa iyo Qeybaha Sare Jirkiisa uu udhintay.

10 Cisho Kadib Ayey Al Shabaab qarax kale ka fuliyeen Magaalada Caasimada ah Ee Xamar,28 Bishii hore ayey Ex control Afgooye Qarax Gaari Xamuul loo adeegsaday Arday Badan ku Xasuuqeen inkastoo Shacabka ku le’day Qaraxaasi ay Shabaab ka tacsiyadeeyeen.

|| Warbaahinta WidhWidh Online News Desk ||

-- Nagala soo xariir : WidhWidh@gmail.com

Share this post

PinIt
    scroll to top