BREAKING NEWS

Qarax Xoogan Oo Ka Dhacay Muqdisho+sawiro

 Faah faahinno dheeri ah ayaa laga helayaa qarax ismiidaamin ah oo loo adeegsaday gaari laga soo buuxiyey walxaha qaraxa, kaas oo barqadii maanta ka dhacay isgoyska Sayidka ee magaalada Caasimada ah ee Muqdisho.

Qaraxa oo ahaa mid xoogan ayaa waxaa inta badan jugtiisa laga maqlay xaafadaha Muqdisho, iyadoo ay weerar kala duwan ka soo baxayaan khasaaraha uu geystay.

Gaariga qarxay ayaa ku jiray saf lagu baarayey gaadiid sugayey in la hubiyo, si ay u maraan Control ku yaalla halkaasi oo laga ilaaliyo xarunta madaxtooyada Qaranka.

Warar hor dhac ah ayaa sheegaya in qaraxa ay ku dhinteen ugu yaaraan illaa shan qof, ayna ku dhaawacmeen tiro intaasi ka badan.

blank
blank
blank

|| Warbaahinta WidhWidh Online News Desk ||

-- Nagala soo xariir : WidhWidh@gmail.com

Share this post

PinIt
    scroll to top