BREAKING NEWS

Shacabka Kenya Oo ka Cabsi Qaba weerarrada Al-shabaab

 Al-shabaab ayaa weerarro is xigxiga, oo kii ugu danbeeyay lagu qaaday saldhig militari oo ay degenaayeenciidamada Marekanka iyo kuwa Kenya waxaa ay ka geysteen gobolka Lamu ee deegaan Xeebeedka Waqooyi Bari Kenya, waxaana ay tani keentay in walwal iyo baqdin ay ku abuurto dadka rayidka ah.

Gaar ahaan cabsida ugu weyn ayaa wajahaya dadka aan muslimka aheyn ee ku dhaqan deegaannada Al-shabaab ay weerarrada ka geystaan iyaga oo ka cabsi ah qaba in la bartilmaameedsado.

Xooogagga Al-shabaab ayaa lagu eedeeyaa in dadka rayidka ah ku bartilmaameedsadaan Diimaha ay aamisan yihiin iyaga oo sii daaya dadkaheysta Diinta Islaamka arintan oo dhowr jeer oo hore dhacday.

Al-shabaab ayaa iyagu sheegtay dhawaan mas’uuliyada weerarkii ka dhacay saldhig militariga Mareykanku ay ku lahaayeen gobolka Lamu waxaana weerarkaasi ku dhintay saddex ruux oo Mareykan ah.

Dowladda Kenya ayaa sheegtay in Al-Shabaab ayaa xoojiyeen weerarada ay ku qaadayaan degaanada ay ku yaalla Xadka ay waddaagaan Soomaaliya iyo  Kenya.

|| Warbaahinta WidhWidh Online News Desk ||

-- Nagala soo xariir : WidhWidh@gmail.com

Share this post

PinIt
    scroll to top