Mudane Siciid Cabdullaahi Deni Ayaa Qaabilay Maanta Safiirka Dawlada marykanka ee Saomaliya Ambaasatoor Donland yamatow iyo Waft uu Horkacayo Booqasho kuyimid Mgaalada Bosaaso
Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni iyo Safiirka Dowladda Mareykanka ee Soomaaliya Donald Yamamoto, waxay ka wada hadleen arrimo ay ka midyihiin xiriirka Mareykanka iyo Puntland, la dagaalanka argagixisada, xaaladda guud ee siyaasadda Soomaaliya, dhaqaalaha iyo deyn cafinta Soomaaliya.
Deni ayaa uga mahad celiyey dowlada Maraykanka taageerada ay siiso Somalia gaar ahaan dhinacyada amaanka, siyaasada iyo arrimaha gargaarka wuxuuna warbixin ka siiyey xaalada guud ee Puntland.
Safiirka Dowladda Mareykanka ee Soomaaliya Donald Yamamoto ayaa dhinaca ka mahad celiyey sida loogu soo dhoweeyey Boosaaso, isagoo dhinaca bogaadiyey horumarka ay ku talaabsatay Puntland, wuxuuna balan-qaaday in Maraykanku xoojin doono taageerada uu siiyo Somalia.



