Xeer-ilaaliyaha guud ee dawladda Puntland Maxamuud Xassan Aw-Cismaan ayaa Puntland Tv u xaqiijiyay waqtiga la fulin doono xukunkii dilka ahaa ee maxkamaddaha Puntland ku xukumeen saddexdii nin ee kufsaday Caasho Ilyaas Aadan.
Xeer-ilaaliyaha guud ayaa sheegay in xukunka la fulin doono 11/02/2020 marka ay saacaddu tahay 8:00 subaxnimo, goobta laga fulin doonana ay tahay Bosaaso.
Warkan ka soo baxay Hay adda ugu saraysa Puntland ayaa gilgilay guud ahaan Puntland islamarkaana waxaa arrinkaasi soodhaweeyay shacabka PL,