Ciidanka Dawlada Faderaalka Soamliya Ayaa maanta lawareegay Deeganno katirsan Gobalka Shabeelaha Hoose oo ahaa Deeganada ugu Muhiimsan ee Alshabaab kataliso
Ciidamadan Degaanka qabsaday ayaa la sheegay inay ka tirsan yihiin guutada Danab oo ay tababareen ciidamada Maraykanka.
Tooratoorow waxaa ku yaalla maxkamado Al-Shabaabku leeyihiin, waxaana sidoo kale deegaankan uu Al-Shabaab u yahay mid aad ugu muhiimsan.
Toddobaadkii hore ayey ahayd markii maleeshiyada Alshabaab ay weerar dhabbagal ah ku qaadeen ciidamo ka tirsan kuwa dawladda oo marayey jidka Afgooye iyo Wanlaweyn, halkaasi oo uu ka dhacay khasaare nafeed iyo mid hantiyeed.
Sanadkii tagay ciidamada dowladda ayaa qabsaday deeganao dhowr ah oo ka tirsan gobolka Shabeellada Hoose.