Ra’iisul Wasaaraha Dawlada Federaalka Somaliya Mudane Xasan Cali Khayre Ayaa Maanta Xafiiskiis kuqaabilay wafti balaadhan oo kasocota He’yadda Cafimaadka Aduunka {Who]
Socdaal Shaqo kuyimid Dalka Agaasimaha caafimaadka Dr. Peter Salama iyo wakiilka Hey’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya, Dr Mamunur Rahman Malik ayaa hoggaamiyay wafdiga.
Dr. Peter Salama oo Ra’iisul Wasaaraha uga mahad celiyay soo dhaweynta, ayaa hoggaanka dowladda ku ammaanay dadaalka ay ugu jiraan in dadka Soomaaliyeed oo dhan ay helaan caafimaad loo dhanyahay.
Wasiirka Caafimaadka iyo daryeelka bulshada ayaa goob joog ka aheyd
kulanka dhex maray Wafdiga iyo Ra’iisul Wasaaare Xasan Cali Khayre.



