BREAKING NEWS

Deg’Deg: Golaha Aqalka Sare Somaliya Ayaa Ansixiyay Hindise Sharciyeed.{Akhriso}

Golaha Aqalka Sare ayaa ansixiyay hindise Sharciyeed waxkabeddelka Xeerka Warbaahita Ajendaha kulanka ayaa ah Akhrinta 3aad e Hindisa Sharciyeed waxaka badelka Xeerka Waraabahinta

Guddomiyaha Guddiga Horumarinta, Adeega Bulshada, Arrimaha Aadanimada, Warfaafinta iyo Dhaqanka ee Golaha Aqalka Sare Senatar Axmad Macalin Cumar ayaa ka hor akhriyay Golaha Aqalka Sare warbixinya Hindise-sharciyeedkaan.

Waxaa laguda galay dooda ku a’adan Akhrinta 3aad ee Hindise-sharciyeedka Wax-ka beddelka Xeerka Warbaahinta

Guddiga Horumarinta, Adeega Bulshada, Arimaha Aadanimada, Warfaafinta iyo Dhaqanka ee Golaha Aqalka Sare ayaa mariyay Akhrinta 3aad ee Hindise-Sharciyeedka Wax-ka beddelka Xeerka Warbaahinta.

Golaha Aqalka sare ayaa cod aqlabiyad leh ku ansixiyey Hindise-sharciyeedkani. Waxaa Ogaaladay 23 Senatar,Waxaa diiday 3 Senatar, Waxaa ka aamusay 1 Senatar.

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta XFS Mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareey oo ay wehliyaan howl-wadeeno ayaa hor yimid Golaha Aqalka Sare iyagoo ka mahad celiyey ansixinta sharciga saxaafada.

blank
blank
blank
blank

|| Warbaahinta WidhWidh Online News Desk ||

-- Nagala soo xariir : WidhWidh@gmail.com

Share this post

PinIt
    scroll to top