BREAKING NEWS

Madaxtooyadda Somaliland Oo lagu Kala yaacay

Waxa beryihii u danbeeyay khilaaf wayni u dhaxeeyay Shaqaalaha iyo Madaxda Madaxtooyadda maamulka Somaliland, waxaannu khilaafkani keennay in shaqaaluhu kala shikiyaan oo si wayn u kala qaybsamaan.

Inkastoo Madaxtooyaddu deddaal iyo culays badan saartay siddii ay u dabbin lahayd khilaafka Shaqaalaha iyo qaar ka mida La-taliyeyaasha Madaxweynaha oo qawad iyo salluug ka muujiyay hannaanka iyo habka ay wax u socdaan, haddana deddaaladaasi umay hirgelin oo siddii ay filayeen arrimuhu way noqon waayeen, waannay ku guuldaraysteen dejinta shaqaalahoodda tabashadda badan qabay.

Waxa maanta shaqooyinkooddii iska casilay ama joojiyay 13 Xubnood oo iskugu jira Shaqaale iyo La taliyeyaal ka tirsan Madaxtooyadda maamulka Somaliland, kuwaasoo qaba tabashooyin kala duwan, caddaalad-darro iyo eex lagula kacay, kuwaasoo sida ay sheegayaan Ilo wareedo madaxa-bannaan ayaa Warbaahinta Widh Widh Online u sheegay inay shaqaalahaasi si rasmiya u joojiyeen hawlihii ay ka hayeen xarunta Madaxtooyadda Somaliland, hase-yeeshee Madaxtooyaddu kamay hadal khilaafka ka dhex-jira iyo sababta ay shaqadda uga tageen 13 Xubnood oo isugu jira Shaqaale iyo La-taliyeyaal, balse waxa ay taas badalkeedda waxay Shaqaalihii iyo La-taliyeyaashii shaqadda ka tagay ay ku adkeeyeen inaanu warkaasi dibadda uga bixin oo ay qariyaan.

Talaabaddani waxay muujinaysaa oo daaha ka qaaddaysaa Caddaalad-daradda iyo eexda ka jirta xarumaha dawladda oo Madaxtooyaddu hormood u tahay duudsiga xaqa iyo xuquuqda shaqaalaha maamulka Somaliland, gaar ahaan kuwa ka hawl-galla xarunta Madaxtooyadda Somaliland oo 13 Xubnood oo isugu jira Shaqaale iyo La-taliyeyaal ay shaqo ka tagis sameeyeen, kadib markii ay ku qanci waayeen Qabyaaladda, eexda, qaraabo u kiilka iyo musuq-maasuqa ka jira xarunta Madaxtooyadda maamulka Somaliland.

Si kastaba ha ahaatee, Madaxweynaha maamulka Somaliland Kornayl Muuse Biixi Cabdi, oo maamuli kari waayay khilaafka ka dhex jira Xafiiska uu uga arrimiyo shacabka maamulka Somaliland, siddee buu u maarrayn karraa durruufaha dhankasta leh iyo khifaadka siyaasaddeed ee dalka ku geddaaman? bal adba akhriste!

|| Warbaahinta WidhWidh Online News Desk ||

-- Nagala soo xariir : WidhWidh@gmail.com

Share this post

PinIt
    scroll to top