BREAKING NEWS

Waa Kuma Gudoomiyaha Barlamaanka Galmudug

goboleedka Galmuug, waxaana doorashada ku tartamayay labada Musharax ee kala ah Dr Maxamed Nuur Gacal iyo Cabdinaasir Aadan Cusmaan .

Doorashada oo aheyd mid xamaasad gaar ah laheyd ayaa ugu dambeyn waxaa ku guuleestay Musharax Dr Maxamed Nuur Gacal oo helay codad gaaraya 54 halka musharax Cabdinaasir Aadan Cusmaan isna helay codad gaaraya 34-cod.

Gudoomiyaha Baarlamaanka maamulka Galmudug ayaa waxaa si rasmi ah u noqday Dr Maxamed Nuur Gacal oo ku guuleestay doorashadii goordhaw dhacday sida ay shaaciyeen guddiga Doorashada iyo gudoonka KMG ah.

Waxaa saacado kadib la filayaa in sidoo kale hoolka ka bilaabato Doorashada Gudoomiye kuxigeenka koobaad ee Baarlamaanka iyana ku tartamayaan labo Musharax oo saameyn badan ku dhax leh baarlamaanka Galmudug.

|| Warbaahinta WidhWidh Online News Desk ||

-- Nagala soo xariir : WidhWidh@gmail.com

Share this post

PinIt
    scroll to top