Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka Somaaliya Sareeyo Guuto cabdixamiid Maxamed Dirirr ayaa waxa uu kormeer shaqo kutagay Difaacyda ciidanka Xoogga Dalka ay kuleeyihiin Deganada Awgdhiigle ,Bariire Dagmada Afgooye ee Gobalka Shabeellaha Hoose
General Cabdixamiid Maxamed Dirir ayaa mid mid u dul istaagay Difaacyada isagoo halkaasi kula kulmay Ciidan ku guda jira waajibaadkooda qaran.
Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka Soomaaliya General Cabdixamiid Maxamed Dirir waxa uu ciidamada faray in ay u diyaar garoobaan Howlgal ka dhan ah Al-shabaab kaasoo looga xureynayo degaanada gobolka Shabellada hoose
Dowlada Somalia ayaa waxaa gobolka Shabeelada Hoose ka jooga kumamaan Askari oo ku baahsan degaano badan oo ay difaac kaga jiraan Ciidamadu iyo Goobo ay Howlgalo ka Qorshaynayaan.



