BREAKING NEWS

Dawlada Soomaaliya Aqbashay in Somalia La keeno Xubno Daacish Kamid ah,

Raadiyaha Dowladda Sweden ayaa shaaciyay in haween ka tirsanaa ururka Daacish oo asal ahaan kasoo jeeda Soomaaliya loosoo tarxiilidoono Soomaaliya.

Haweenkaan oo haysta dhalashada dalka Sweden ayaa su’aalo lagu weydiiyay xero milatari oo ay gacanta ku hayaan Ciidamada Siiriya (SDF).

Warbixinta ayaa lagu sheegay in Madaxweynaha Soomaaliya uu ogolaaday in haweeenkaan dib loogu celiyo dalkooda Soomaaliya.

Safiirka Soomaaliya ee midowga Yurub Cali Siciid Faqi ayaa sheegay in haweenkan aysan maxkamad ku taagi doonin Soomaaliya madaama aysan dambi ku laheyn halkaas.

Sida laga soo xigtay saraakiisha kurdiyiinta, waxaa jira qiyaastii 30-40 muwaadiniin iswiidhish ah oo asal ahaan Soomaali ah kuna sugan xerada la yiraahd Hol Camp ee kutaala Siiriya.

Ambassadador Faqi, wuxuu sheegay in Madaxweynaha Soomaaliya uu qaatay go’aanka ka dib markii waddamada reer Yurub ay diideen inay aqbalaan haweenka ISIS ee asal ahaan ah Soomaali.

|| Warbaahinta WidhWidh Online News Desk ||

-- Nagala soo xariir : WidhWidh@gmail.com

Share this post

PinIt
    scroll to top