BREAKING NEWS

Deg Deg:Galmuudg oo Gashay Xaalad Adag

Xildhibaano katirsan Ahlu Sunna Waljameeca kana mid ahaa xubnihii shalay ka carooday Guddiga doorashada Madaxweynaha Galmudug iyo kuxigeenkiisa ayaa waxa ay soo saareen Jadwal cusub oo doorasho.

Xubnahan Ahlu Sunna ayaa jadwalka ay soo saareen waxa ay ku sheegeen in Doorashada Madaxweynaha Galmudug iyo kuxigeenkiisa ay dhaceyso 5-ta bisha soo socota ee Febraayo isdiiwaan galinta musharaxiintana ay bilaaban doonto 23-ka bishan.

Habraaca ay soo saareen xubnahan katirsan Xildhibaanada Ahlu Sunna ku matala Baarlamaanka Galmudug ayaa kusoo aadaya xili shalay Guddiga Doorashada Galmudug soo saareen habraaca doorashada Madaxweynaha Galmudug iyo kuxigeenkiisa.

Sidoo kale Magaalada Gaalkacayo iyana waxaa ka socda Doorasho kale oo lagu soodhisaayo Galmudug aan ahayn Tan Ahlu Sunna iyo Dawladu ka kala wadan Dhuusmareeb oo u ka yahay Aktar Madaxweyne Xaaf,

blank

|| Warbaahinta WidhWidh Online News Desk ||

-- Nagala soo xariir : WidhWidh@gmail.com

Share this post

PinIt
    scroll to top