BREAKING NEWS

Somaliland Oo Wada Dagaal Lagu Qaado Boocame.

Wararka ka imaanaya magaalada Hargeysa ee caasimada maamulka Somaliland ayaa sheegaya in madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi uu qorshaynaya go’aan sababi kara xiisad dagaal oo mar kale ka dhex qaraxda ciidamada Puntland iyo Somaliland.

Go’aankan oo hogaamiye Biixi ay ku dirqinayaan saraakiil ka tirsan ciidamada Somaliland ayaa salka ku haya xiisadaha ka dhex aloosan labada dhinac ee deegaanka Boocame, kadib markii maalintii shalay ahayd ay gaadheen deegaankaasi gaadiid dagaal iyo ciidamo tira badan oo ka socda Puntland.

Degmada Boocame ee gobolka Sool oo xukuumadda madaxweyne Denni ay u astaysay saldhig ciidan ayaa waxaa hore ugu sugnaa ciidamo kooban oo ka tirsan kuwa Puntland, kuwaaas oo markii dambe ku biiray Somaliland lana wareegay guud ahaanba deegaanka Boocame iyo xarumo kala duwan oo ku yaala hasa yeeshee Puntland oo falkaasi si weyn uga cadhootay ayaa ciidamo iyo gaadiid dagaal gaysay duleedka deegaanka Boocame, waxaana saraakiisha ciidamada Somaliland dhankooda iyaguna ay sheegeen in ay ka jawaab celin doonaan.

Saraakiil iyo taliyaal ciidan oo ka tirsan Somaliland oo kulan ka yeeshay arimaha haatan ka socda deegaanka ayaa sheegay in awood ciidan ay ku wajihi doonaan Puntland, waxaana amarka ugu dambeeyey ee dhaqaaqa ciidamada Somaliland bixi doona taliyaha guud ee ciidamada Somaliland oo isna ka jawaab ka sugaya madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi

Go’aanka Biixi oo aan la ogeyn waxa uu noqon doono ayaa waxaa laga yaabaa in uu sababo xiisad dagaal iyo colaad hor leh in ay ka dhex qaraxdo dhinacyada Puntland iyo Somaliland hadii uu Muuse Biixi amar ku siiyo ciidamadiisa in ay u ruqaansadaan dhanka deegaanka Boocame iyo deegaanada kale ee ku aadan magaalada Garowe ee caasimada Puntland, waxaana madaxtooyada Somaliland kusii qul qulaya saraakiil iyo taliyaal ciidan kuwaas oo qorshaynaya in madaxweynuhu uu ku dhiirado go’aankaasi.

|| Warbaahinta WidhWidh Online News Desk ||

-- Nagala soo xariir : WidhWidh@gmail.com

Share this post

PinIt
    scroll to top