Wararka ka imanaya dagmada Mahaday ee gobolka Shabeelada Dhexe ayaa sheegaya in ciidamada Nabad Ilaalinta AMISOM ee ku sugan dagmadaasi ay qorshaynayaan in ay faarujiyaan saldhigyada ay ku leeyihiin magaalada Mahaday.
Qaar kamid ah maamulka dagmada Mahaday ayaa warbaahinta u xaqiijiyay in ay ku jiraan diyaargarow iyo qalab urursi ciidamada nabad ilaalinta AMISOM gaar ahaan kuwa wadanka Burundi.
Sidoo kale xildhibaan Maxamed Bashiir Qaasim oo ka mid xildhibaanada Hirshabelle ayaa sheegay in ay jirto cabsi xoog leh oo la xiriirta ka bixitaanka ciidamada AMISOM ee degmada Mahaday.
Ciidamada nabad ilaalinta AMISOM ayaa waxaa la qorsheynayaa inay si tartiib tartiib ah ay isaga baxaan dalka Soomaaliya.
Hore ayaa ciidamo ka tirsan AMISOM isaga baxeen deegaano ka mid ah gobolka Shabeelada Dhexe iyada oo ciidamadan baxay lagu badelay ciidamo Soomaali ah.