BREAKING NEWS

Gaarad Kulmiye Oo Wada Fulinta Balantii Daarood Ka Qaaday Dhulbahante{Video}

Waxaa maanta si diiran loogu dhoweeyey magaalada Garowe ee caasimada Puntland wafti uu hogaaminayo Garaad Kulmiye Garaad Maxamed Garaad Dool oo kamdi ah isimadda dhaqanka dowladd..

HALKAN KA DAAWO VIDEO


Garaad Kulmiye Garaad Maxamed Garaad Dool iyo waftigiisa oo safarkoodu salka ku hayo sidii Maamulada Puntland Jubaland iyo Somali State ay u bixin lahaayen Magta in ka badan 100 Ruux oo Ku Dhintay Dagaaladii Koonfurta Sool ee dhexmaray Beelaha Qayaad iyo Bahrarsame ee Dhulbahante oo Beesha Daarood dusha saaratay.

Beesha Daarood Gaar ahaan Sadexda Maamul ee kala ah Puntland Jubaland iyo Somalia State ayaa hore dusha u saartay inay Bixinayaan Magtaasi kana dulqaadayaan Beelaha Si xal looga gaadho Xiisada Colaadeed islamarkaana Beelahaasi oo mudo badan Dagalamaayay dad badana ku kala dhinte looga qaado culayska Magta.

Garaadka iyo Weftigiisa ayaa hada Garoowe u jooga inay Ka soo qaadan Puntland Wixii kaga soo hagaagay Dhaqaalaha Magta iyadoo Ay wax yar ka hadhsan tahay Wakhtigii loo Balamay in lagu kala qaato Magtaasi.

|| Warbaahinta WidhWidh Online News Desk ||

-- Nagala soo xariir : WidhWidh@gmail.com

Share this post

PinIt
    scroll to top