BREAKING NEWS

War Culus UN-Ka Oo “Qafiifinaya” Xayiraada Hubka Soomaaliya

Qaramada Midoobay ayaa balanqaadey in ay qafiifineyso cunaqabateynta hubka ee Soomaaliya, sidda ay sheetay Villa Soomaaliya.

Hadalkan ayaa kusoo aadaya iyaddoo shalay ay Muqdisho ku kulmeen guddiga UN-ka u qaabilsan arrintaas iyo madaxweyne Farmaajo.

Cabdinuur Maxamed Axmed, agaasimaha warfaafinta madaxtooyadda qaranka, ayaa sheegay in guddigu sheegeen in ay warbixin ku celin doonan golaha guud.

Isagoo hadalkiisa sii wata, afhayeenka hogaamiyaha dalka, ayaa rajeeyay in warbixinta ay noqoto mid sawir fiican ka bixineysa xaalada dhabta ah ee Soomaaliya.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in xayiraadan saaran ay caqabad ku tahay dagaalka ay kula jiro kooxaha hubeysan ee loogu yeero argagixisadda.

|| Warbaahinta WidhWidh Online News Desk ||

-- Nagala soo xariir : WidhWidh@gmail.com

Share this post

PinIt
    scroll to top