BREAKING NEWS

Dawlada Somaaliya Oo Kala Dirtay Rugta Ganacsiga Gobalka Banaadire .{Akhriso}

Wasaaradda Ganacsiga Dawlada Federaalak Somaaliya ayaa Maanta amar lagu soo ragay laga kala diray Shaqaalaha Gobalaka BANADIRE

Nuqul ka mid ah qoraalkasi oo soo gaaray Warbaahinta Widhwidh Online isla markaana uu ku saxiixnaa wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Cali Xasan ayaa lagu sheegay in sababaha lagu kala diray Maamulkaasi ay ka dhalatay magacaabistii Maamulka Rugta Ganacsiga gobolka Banaadir.

Waxaa sidoo kale lagu sheegay qoraalka in dhawaan wasaaradda, Gobolka Banaadir iyo Rugta Ganacsiga Soomaaliyeed oo la tashanaya ganacsata gobolka ay soo magacaabi doonaan maamulka rugta ganacsiga gobolka Banaadir.

Hay’adda Nabad suggida ayaa dhawaan xirtay Gudoomiyaha rugta ganacsiga gobolka Banaadir iyo ku xigeenkisa ka dib markii lagu eedeeyay in magacaabistooda ay Shabaab ka qeyb qaateen.

Magacaabista xubnahan ayaa waxaa dhowr maalmood uun ka hor shaacisay idaacadda VOA oo sheegtay in kadib markii muddo saddex sano ah la isku mari waayey xilka guddoomiyaha ay ugu dabeyn soo magacaabeen Al-Shabaab.

blank

|| Warbaahinta WidhWidh Online News Desk ||

-- Nagala soo xariir : WidhWidh@gmail.com

Share this post

PinIt
    scroll to top