BREAKING NEWS

Nin Dilay Labadiisii Waalid iyo Dad kale. {Daawo Sawirro}

Police -ka Dalka Jarmalka ayaa sheegay iany soo qabteen Nin Dilay Lix Qofe oo ay kujireen Labdiisii Waalid {Subxaanallaah }

Toogashada ayaa ka dhacaday magaalada Rot am See oo ku taalla koonfur-galbeed Jarmalka sida ay sheegeen booliska deegaanka.

Ninkan oo 26 jir ah ayaa adeegyada gargaarka deg-deg ah u yeeray isagoo u sheegay inuu maqaahida ku dhex-toogtay dhowr qof isagoo dilkooda u isticmaalay qori sharciyeysan.

Waxaana meydadka oo ka koobnaa 3 rag ah iyo 3 dumar ah laga helay gudaha maqaaxida waxayna da’doodu u dhaxeeysay 36 ilaa 69 sano jir, sida ay sheegeen booliska gobolka Baden-Württemberg.

Waxaa sidoo kale weerarkaasi ku dhaawacmay laba qof oo kale oo isla qoyska ka tirsan kuwaasi oo uu mid ka mid ah dhaawciisu halis yahay.

Booliska ayaa ku hawlan iney ogaadaan sababta ka dambeysay toogashada, mana cadda in qof-kale uu ku lug-lahaa toogashdaasi, iyadoo wararku sheegayaan in toogashadan ay salka ku heyso arrimo la xiriira khilaaf dhinaca qoyska ah.

blank
blank
blank

|| Warbaahinta WidhWidh Online News Desk ||

-- Nagala soo xariir : WidhWidh@gmail.com

Share this post

PinIt
    scroll to top