BREAKING NEWS

Muranki Dhulka Khaatumo waxaa xigay Muranka Taariikhda

Waxaa mudo badan Dhagaha shacabka soomaaliyeed haystay Muranka Gobolada SSC Ama khaatumo oo labada maamul ee Somaliland iyo Puntland midba Dhankiisa ka sheeganaayo.

Muranka dhulka Khaatumo mudo dheer kadib waxaa xigtay in hadana maamulada Somaliland iyo Puntland ku murman Taariikhda Daraawiish-ta oo ay gaar u tahay markay Xaga Halganka tahay Shacabka Khaatumo ama SSC,

Waxaa sabab u ah in Marna lagu murmo dhulka SSC marna lagu murmo taariikhda Halgamayaashi Darawiish dadka deegaanka Khaatumo malaha eedaasi cid kale.

Hadaan usoo laabto Halganka Ay sheegan karan Somaliland iyo Puntland waxaan u aqoonsanahay in uu yahay Kii Ay SIyaad Barre Ku riden kuna burburshen Dawladii Soomaaliyeed.

Hadaan hadalka afka ku dhufto Dadka Sheegta Somaliland ee Isaaq waa kuwo aan meelna usoo Marin Taariikhda Darawiish waxayna ahaayen Gacan yarayaashi Ingriiska.

Halka Kuwo Daga Garoowe iyo Gaalkacayo iyo Boosaayo Iyana Ahaayen kuwo aan ku lahayn Samayn Taariikhda Darwiishta waxaadna ka garan karta xalay Xuskii Ka dhacay Garoowe ee boqol Sano guuradii Darawiish mar ay kusoo Dhigaayen Boodhka waxay khalden Taariikhda iyago ka soo qaatay 25 sano guuradii Darawiish kuna dhigtay Boodhka Taariikh sidan u dhigan ,,1895-1920 .

|| Warbaahinta WidhWidh Online News Desk ||

-- Nagala soo xariir : WidhWidh@gmail.com

Share this post

PinIt
    scroll to top