BREAKING NEWS

War Deg Deg Ah:Dagaal Ka socda Duleedka caasimada Yemen

Dagaal xooggan oo u dhaxeeya kooxda Xuutiyiinta iyo ciidamada dowoladda Yemen ayaa ka socda degmada Nahm, oo 60 kiilo mitir u jirta caasimadda Sanca.

Waxaa jira warar sheegaya in khasaara badan uu jiro islamarkana ay sibataalada la daalaa dhacayaan tirada badan ee dhaawacyada.

Abaanduulaha militariga dowladda uu caalamku aqoonsan yahay ee Yemen ayaa warbaahinta u sheegay in ciidamadiisa ay goobo cusub kala wareegeen Xuutiyiinta.

Jimcihii waxaa soo baxayay warar sheegayay in mucaaradka ay si buuxda ula waregeen degmada Nahm.

Sagaalkii maalmood ee ugu dambeeyay ayaa waxaa dagaal adag uu dhex maray ciidamada dowladda Yemen oo taageero dhanka cirka ah ka helaya diyaaradaha isbahaysiga iyo Xuutiyiinta oo dhinac kale ah.

Dagaalka Yemen ayaa waxa uu socday in ka badan 4 sano waxaana ku lug leh dhinacyo kala duwan.

Isbahaysiga uu Sacuudiga hogaamiyo ayaa taageeraya dowlada uu caalamku aqoonsan ee uu hogaamiyo madaxwayne cabdi rabi Mansuur Haadi.

Xuutiyiinta ayaa waxay wali gacanta ku hayaan dhul badan oo ku yaalla gobolada dalka Yemen.

Waxay sidoo kale muddooyiinkii u dambeeyay ay Xuutiyiinta awood u yeesheen in ay fuliyaan weeraro ay u adeegsadaan diyaaradaha aan duuliyaha lahayn oo ay la beegsanayeen gudaha Sacuudiga.

Dagaalkan muddada dheer socday ayaa waxaa sidoo kale ka dhashay khasaaro dhanka rayidka ah oo ay dad badan ku dhinteen.

Xaaladda bina’aadanimo ee dalka Yemen ayay sidoo kale Qaramada Midoobey ku tilmaamtay tii ugu xumeyd guud ahaan caalamka.

|| Warbaahinta WidhWidh Online News Desk ||

-- Nagala soo xariir : WidhWidh@gmail.com

Share this post

PinIt
    scroll to top