BREAKING NEWS

Ra’iisul Wasaare Khayre Oo Daah-Furay Mashuuca Maal-Gelinta Dhallinyarada

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), mudane Xasan Cali Khayre ayaa maanta furay mashruuc lagu maal gelinayo 340 dhallinyaro Soomaaliyeed ah oo soo bandhigay hal abuur ganacsi oo guuleystay.

Dowladda Soomaaliya ayaa fulineysa barnaamijka, waxaana maal gelinaysa Hay’adda Horumarinta Caalamiga ah ee Maraykanka (USAID) oo ku binaysa US$1.6Mliyan, waxaana ka qayb qaadanaya qaar ka mid ah shirkadaha ganacsiga dalka.

Dhallinyarada ka faa’iideysanaya Barnaamijkaan ayaa ka yimid dhammaan gobollada iyo Degmooyinka kala Ah.

Afgooye , Baydhabo , Baraawe Cadale , Beledwayne , Boorame , Jawhar Warsheekh, Garoowe , Qardho iyo Boosaaso , Dhuusomareeb , Guriceel , Hobyo , Kismaanyo , Burco iyo Hargeisa ,

|| Warbaahinta WidhWidh Online News Desk ||

-- Nagala soo xariir : WidhWidh@gmail.com

Share this post

PinIt
    scroll to top