BREAKING NEWS

Qoyska Wasiir Janan Oo Tuhun Ka Muujiyay In La Dilay{VIDEO}

Ehelada Wasiirkii Amniga Jubbaland, Cabdirashiid Xasan Cabdinuur (Janan)ayaa waxay shaki ka muujiyeen inay Dowladda Federaalka dishay Wasiirka.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Nabadoon Aadan Maxamed Gurumo oo ah Nabadoonka Wasiirka ayaa sheegay inay tuhmayaan in ay Dowladda Federaalka dishay Wasiirka, haddii aanay meel qarsoodi ah ku haynin.

“Koley ninkaasu waa nin dhintay ama waa nin meel qarsoodi ah ku jiro oo qoladaan ay si kale u aragtay. Walaahi anaga waxaanba filleynaa ninkaasi inuusan noolleen.” Ayuu yiri Nabadoon Aadan Maxamed Gurumo.

Nabadoon Aadan Maxamed Gurumo ayaa iftiimiyay inay meelo badan la xiriiraan, tan iyo markii ay Warbaahinta ka maqleen inuu xabsiga ka baxsaday Cabdirashiid Janan.

“Meel kasta waan la xiriirnay waxba lama hayo. Kismaayo lama hayo, Gedo waa meeshiisii, iyana lama hayo, Jubbaland lama hayo, Xamar dhexdeedana meel lagu hayn karo inaanay jirin baan fillaya.” Ayuu yiri Nabadoon Gurumo oo la hadlay BBC.

General Maxamed Cismaan Qaadi oo ka tirsanaa Saraakiishii Ciidamada Militariga ee Dowladdii Dhexe ayaa sidoo kale tuhun ka muujiyay in Wasiirka lagu dilay Magaalada Muqdisho.

General Qaadi oo la hadlay Barnaamijka Dabagalka Wararka ee Universaltv ayaa dhaliilay dhabihii ay markii horeba Dowladda Federaalka u martay soo xiristiisii.

Madaxda Qaranka iyo iyo Saraakiisha Ciidamada Dowladda ayaan wax war ah ka soo saarin halka uu ku dambeeyo Wasiirka, tan iyo markii uu Taliska Boolisku sheegay in ninkaasi uu ka baxsaday xabsigii uu ku xirnaa.

|| Warbaahinta WidhWidh Online News Desk ||

-- Nagala soo xariir : WidhWidh@gmail.com

Share this post

PinIt
    scroll to top