BREAKING NEWS

XOG Culus Janan Kismaayo Yimid,

Wasiirka amniga Jubaland Cabdirashiid Xasan Janan ayaa goor dhow gaaray magaalada Kismaayo xarunta maamulka Jubaland, sida ay ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay u xaqiijiyeen WIdh Widh Online,

Cabdirashiid Janan ayaa dekedda Kismaayo ku tegay doon, waxaana kadib loo gudbiyey madaxtooyada Jubaland oo uu hadda ku sugan yahay.

Wararka aan helnay ayaa sheegay in Janan uu jidka kusoo jiray laba maalmood, isaga oo soo maray dhowr meel oo kala duwan, islamarkaana marar badan soo bedeshtay doonta uu ku socday, si aan loo fahmin.

Dowladda Soomaaliya ayaa 28-kii Janaayo shaaca ka qaaday in Janan uu ka baxsaday guri uu ku xirnaa oo ku yaalla magaalada Muqdisho.

Maamulka Jubaland weli war rasmi ah kama soo saarin tegintaanka Jana nee Kismaayo, balse waxaana hadda ay leeyihiin wada-tashiyo ku saabsan qaabka ay arrintan u shaacinayaan

|| Warbaahinta WidhWidh Online News Desk ||

-- Nagala soo xariir : WidhWidh@gmail.com

Share this post

PinIt
    scroll to top