BREAKING NEWS

Itoobiya Ku Amartay Puntand Inay Ka Baxdo Goobaha Ay kaga Sugan Tahay Sool iyo Cayn

Iyadoo muddooyinkii ugu dambeeyey ay cirka isku sii shareerayeen xiisadaha u dhaxeeya Somaliland iyo Puntland kadib qabsashadii degmada Boocame ee ciidamada Somaliland ayaa ka dhacay magaalooyinka Wardheer iyo Addis Ababa oo kawada tirsan dalka Ethiopia kulamo iyo shirar kala duwan.

Kulamadani oo saraakiisha Sirdoonka Ethiopia ay la qaateen masuuliyiin ka tirsan Somaliland ayaa lagu gorfeeyey arimo kala duwan oo ku aadan nabad galyada iyo xiisada u dhaxaysa labada dhinac.

Xubnaha ka socday Somaliland ayaa madaxda Ethiopia iyo Sirdoonkaba ku qanciyey in goboladda Sool iyo Cayn si rasmi ah loogu wareejiyo Somaliland si looga hortago caqabad kasta oo amaan daro oo Ethiopia uga imaan karta deegaanadaasi.

Masuuliyiinta ka socday Hargeysa oo ay kamid yihiin taliyaha guud ee ciidamada Somaliland, saraakiil Sirdoon iyo xubno kala duwan oo wasiiro ah ayey sheegeen in Puntland ay caqabad ku tahay gacan ku dhigista Somaliland ee goboladdaasi sababo la xidhiidha shacabka iyo Puntland oo ay ka tirsan yihiin isla markaasna Somaliland ay ka qaadan karto door muhiim ah dhanka sugida amaanka hadii lagu wareejiyo Somaliland deegaanadaasi.

Sirdoonka Ethiopia oo daliil ka dhiganaya in dhibaato xoogan ay kasoo wajihi karto deegaanadaasi oo jabhado laga aas aasay qaarkood ayaa sheegay in deegaanada xuduudaha la leh ay dhici karto inay kasoo gudbaan kooxaha argagaxisada ah si ay khal khal uga abuuraan gudaha Ethiopia, taas badalkeedna si looga hortago arimahaasi ay daruuri tahay in madaxda Puntland lagu qanciyo wareejinta deegaanada ay kaga sugan yihiin ciidamadoodu goboladda Sool iyo Cayn.

Xubnaha Hargeysa ka tagay oo ka helay madaxda Ethiopia balanqaad wacan iyo in dhawaan lagu wareejin doono deegaano ay kamid yihiin magaalada Buuhoodle ee xarunta gobolka Cayn ayaa ku laabtay magaalada Hargeysa oo ay ka tageen markii hore.

Wasiirka arrimaha gudaha Puntland Maxamed C/raxmaan Dhaban Cadd oo wixii intaas ka dambeeyey safar ku tagay isaga iyo xubno kale oo ka tirsan Puntland deegaano kamid ah dhulka dowladd deegaanka Soomaalida ayaa la hor dhigay qorshihii ay isku raaceen Somaliland iyo Ethiopia, kaas oo ah in Puntland ay iskaga baxdo goboladda Sool iyo Cayn loona gacan galiyo Somaliland oo wixii haatan ka dambaysa maamuli doonta sida uu yahay qorshaha Ethiopia.

Mr. Dhaban Cadd iyo xukuumadda uu ka tirsan yahay ayaa xoggo aan ka helnay ay sheegayaan in madaxda Puntland ay aqbaleen dalabka uga yimid Ethiopia isla markaasna ay joojin doonaan arin kasta oo labada dhinac isku dhac ka dhex sababi karta.

Walowse warar kale ay sheegayaan in dalabkasi ay diiday Puntland ayaa waxaa hadii uu hirgalo qorshahaasi dhici kara gudaha Puntland bur bur xoogan oo soo gaadha maamulka Puntland.

Dadka kasoo jeeda goboladda Sool, Sanaag iyo Cayn oo waxyaabo badan ka tabanaya Puntland ayaa kalsooni badan ku qabi doonin madaxda ka sugan madaxtooyada Garowe, waxaana dhici karta in maamul kale ay ka dhinac samaystaan Puntland amaba ay sii xoojiyaan jabhadaha hubaysan ee ka jira deegaanadooda iyaga oo garab bidi doonin Puntland.

Go’aanka xukuumadda Denni ayaa horseedi kara xaalad halis ah hadii uu si rasmi ah u waafaqo dalabka Ethiopia oo bur bur keeni kara.

Somaliland oo dagaalo ay dhex mareen Puntland ayaa qabsatay magaalada Laascaanood sanadkii 2007-dii, waxaana wixii ka dambeeyey xiligaasi ay isku fidisay deegaano badan halka Buuhoodle ay ku qaaday weeraro kala duwan si ay u qabsato, hasa yeeshee dagaalo qadhaadh oo dhex maray ciidamadeeda iyo dadka deegaanada ayaa riyo kaliya kusoo koobay damacii Somaliland.

|| Warbaahinta WidhWidh Online News Desk ||

-- Nagala soo xariir : WidhWidh@gmail.com

Share this post

PinIt
    scroll to top