BREAKING NEWS

Safiirka Midawga Yurub Ee Somaaliya Ayaa gaadhay Hargaysa. {Daawo Sawirro}

Madaxwaynaha Maamulka Goonistaaga iskii ugu dhawaaqay ee somaliland ayaa maanta kulan laqaatay Xafiiskiisa Safiirka Midawga Yurub ee somaaliya Amb.nicllos Berlange

Kulankan ayay kaga wada hadleen xoojinta xidhiidhka wada-shaqayneed ee midowga yurub iyo Maaamulkiisa ka dhexeeya, sidoo kale waxa laga wada hadlay taageerada ay beesha caalamku ka geysato horumarka arrimaha bulshada, doorashooyinka iyo sidii kor loogu qaadi lahaa qoondada dhaqaale ee ay midowga yurub ku taageeraan Somaliland, isla markaana loo dardar gelin lahaa mashaariicda horumarineed.

Ugu danbayntiina waxa kulanka dhax maray Madaxweynaha Somaliland iyo Safiirka Midowga Yurub u qaabilsan Soomaaliya lagu lafo-guray sidii laysaga kaashan lahaa horumarka iyo amniga guud ee mandaqadda geeska Afrika

blank
blank
blank

|| Warbaahinta WidhWidh Online News Desk ||

-- Nagala soo xariir : WidhWidh@gmail.com

Share this post

PinIt
    scroll to top