BREAKING NEWS

Doorashada Madaxweynaha Galmudug oo maanta ka dhaceysa Dhuusa-Mareeb

Baarlamaanka ay Dowladdu aqoonsan tahay ee Galmudug ayaa lagu waddaa in uu maanta doorto madaxweyne iyo ku-xigeenkisa.

Doorashadan ayaa imaneysa xili dhawaan isla gudaha degmada Dhuusa-Mareeb Garabka Ahlu Sunna madaxweyne u doorteen Shaakh Maxamed Shaakir Cali Xassan oo ku eedeeyay dowladda Soomaaliya in ay afduubta hannaankii lagu ballamay ee dhismaha Galmudug loo dhan yahay.
Ilaa Afar musharax ayaa u taagan xilka madaxweynaha dowlad gobolleedka Galmudug halka shan musharaxna maanta u tartami doonaan qabashada xilka madaxweyne ku-xigeenka.

Dhinaca kale waxaa jira musharixiin dhowr ah oo qaadacay ka qeybgalka doorashada kuwaa oo ku baaqay in dib loo dhigo inta laga saxayo dhaliilaha jira ee loo jeedinayo dowladda.

|| Warbaahinta WidhWidh Online News Desk ||

-- Nagala soo xariir : WidhWidh@gmail.com

Share this post

PinIt
    scroll to top