BREAKING NEWS

Mareykanka Oo War Ka Soo Saaray Doorashadii Galmudug

Warsaxaafadeed ka soo baxay xafiiska safaarada Mareykanka ee Soomaaliya ayaa waxaa looga hadlay doorashadii madaxweynaha Galmudug iyo madaxweyne xigeenka maamulkaasi ee ka dhacday magaalada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galgaduud.

Qoraalkaan ayaa lagu sheegay in safaaraddu ay si dhow u la socotay xaaladda siyaasadeed ee maamulka Galmudug, islamarkaana ay soo dhoweyneyso doorashadaasi.

Mareykanka ayaa sidoo kale sheegay in doorashadii madaxweynaha cusub ee Galmudug iyo ku xigeenkiisa ay bilow u tahay siyaasad sal ballaaran oo ka hana qaata maamulkaasi.

Sidoo kale warka ka soo baxaya safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya ayaa waxaa loogu baaqay dhinacyada kale ee Galmudug inay ka qeyb qaataan geedi socodka maamulkaasi.

Ugu dambeyn safaaradda ayaa ballan qaaday inay si dhow ula shaqeyn doonto Axmed Qoor-Qoor oo loo doortay Madaxweynaha Galmudug iyo ku xigeenkiisa cusub

|| Warbaahinta WidhWidh Online News Desk ||

-- Nagala soo xariir : WidhWidh@gmail.com

Share this post

PinIt
    scroll to top