BREAKING NEWS

Dowladda Soomaaliya oo Saakay Ciidamada Haramacad Diyaarado ku geyneysa Baardheere

Dowladda Soomaaliya ayaa saacadaha soo socda Diyaarado wada Ciidamada Sida gaarka u tababaran ee Haramacad dooneyso iney ka dajiso Magaalada Baardheere ee Gobalka Gedo.

Ciidamada Haramacad ayaa qeyb ka noqon doono ciidamo dhawaan dowladda ay ku daabuleysay deegaanada iyo degmooyinka Gobalka Gedo.

Wali dowladda kama aysan hadlin ciidamadeeda ku qulqulaya Magaalooyinka Gobalka Gedo oo maamul ahaan hoos tagaya Maamul Gobaleedka Jubbaland.

Ciidamo katirsan Dowladda ayaa gaaray degmooyinka Baladxaawo, Luuq iyo deegaano kale oo katirsan Gobalka, kuwaa oo wararka qaar sheegayaan inuu qorshahoodu yahay In Al Shabaab ay ka saaraan Deegaanada ay ka Maamulaan Jubbooyinka Iyo Gedo.

|| Warbaahinta WidhWidh Online News Desk ||

-- Nagala soo xariir : WidhWidh@gmail.com

Share this post

PinIt
    scroll to top