BREAKING NEWS

Wasiir Janan oo Abaabul dagaal ka wada Gedo & Kenya oo Hub culus siisay

Wasiirka amniga maamulka Jubbaland C/rashiid Xasan Janan ayaa wuxuu abaabul dagaal ka wadaa magaalada Mandheera ee gobolka Waqooyi Bari Kenya,kaas oo ku doonayo inuu kula wareegayo degmooyinka ay soo galeen ciidamada Dowladda Federaalka.

Wasiir Janan ayaa qorshahan waxaa ka gacan siinaya ciidamo Kenyan ah oo wata gaadiid dagaal oo aad u culus,kuwaas oo suurta gal tahay iney weerar ku soo qaadaan degmooyinka Baladxaawo iyo Doolow.

Ciidamo ka tirsan Dowladda Federaalka oo aad u hubeysan ayaa ku sugan  degmooyinka Baladxaawo iyo Doolow oo horay ay uga aramin jireen ciidamo ka amar qaata maamulka Jubbaland,balse markii dambe ku biiray Dowladda Federaalka.

Xiisad dagaal ayaa laga dareemayaa degmooyinkaas,dadkana waxay yihiin kuwo wadnaha farta ku haya.

|| Warbaahinta WidhWidh Online News Desk ||

-- Nagala soo xariir : WidhWidh@gmail.com

Share this post

PinIt
    scroll to top