Golaha Aqalka Sare ee Baarlamanka Somalia ayaa ansixiyay hindise-sharciyeedka Xafiiska Hanti-dhoowrka Guud ee Qaranka Kulankii 36aad ee Kalfadhiga 6aad oo uu shir guddominayey Guddomiyaha Aqalka Sare Senatar Cabdi Xaaahi Cabdullahi.
Ajendaha Kulanka ayaa ahaa, akhrinta 3aad ee Hindise-sharciyeedka Hanti-dhoowrka Guud ee Qaranka, iyo Akhrinta 2aad ee Hindise -sharciyeedka duulista rayidka.
Guddoomiye Ku-xigeenka Guddiga Dhaqaalaha, Maaliyadda, Ganacsiga, Warshadaha, Isgaarsiinta iyo Dalxiiska ee aqalka sare Senatar Deeqa Xasan Xuseen ayaa ka hor akhrisay Warbixinta Akhrinta 3aad ee Hindise-sharciyeedka Xafiiska Hanti-dhoowrka Guud ee Qaranka.
Waxaa hor-yimid Golaha Aqalka Sare Hanti-dhowraha Guud ee Qaranka mudane Maxamed Maxamuud Cali (Afgooye).
Xubnaha aqalka sare ayaa cod gacantaag ah u qaaday sharcigan, waxaana ogaaladay 25 Senatar, Waxaa diiday 4, wax ka aamusayna ma jirin, iyadoo sharcigan oo muddo badan la sugayey uu dhaqan geli doono marka uu saxiixo Madaxweynaha dalka.
