BREAKING NEWS

Muuse oo Farmaajo u diray Guddi beeshiisa ka socotay, iyo Jawaabtii Farmaajo

Warar aanu ka helay dad xogogaal ah ayaa WIdh Widh Online u xaqiijiyay in dhawaan Muuse Bixii uu Muqdisho u diray xubno beeshiisa ka tirsan si ay ula kulmaan Madaxweyne Maxamed Cabdulahi Frmaaj.

Guddidan beesha hoose ee Muuse ka socotay ayaa waxa ay Madaxweynaha Soomaaliya ka daladeen in ay u kulmaan nidaam beeleysan.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa soo jeedintaa ku gacan seyray, isla markaana xusuusiyay in uu yahay madaxweyne Soomaaliyeed ee aanu aheyn sida hogaamiyaha beeleed ee soo wakiishay.

Arintan ayaa weji gabax ku noqotay, siyaasiyiina beelaha kala duwan ee ka soo jeeda Somaliland ee Muqdishu haatan ku sugan.

Sidoo kale, ila wareedyadu waxa ay intaa raaciyeen in Muuse Biixi in dhaweydba ku hawlanaa sidii uu Madaxweyne Farmaajo ugu qancin lahaa wadahadal beeleysan oo labada beelood ku kooban.

Ila wareedyadu waxa ay ka gaabsadeen in ay noo sheegaan magacyada guddida beesha Muuse Biixi ee Muqdisho u tegay si ay ula kulmaan beesha Madaxweynaha Soomaaliya.

Kolkii arinkaasi fashilmay ayaa Muuse waxa uu hawlgeliyay wasiir Fartoon oo abti u ah Farmaajo si kulan uu ula yeesho madaxweynaha Soomaaliya.

Wasiir Faratoon ayaa ilo wareedyadu noo sheegeen in uu gacan mug leh ka geystay sidii Muuse iyo Madaxweyne Farmaajo isu hor fariisigoodii Addia Ababa.

Waxa iminka laga warsugaaba safarka Hargeysa ee Abiy Axmed iyo Maxamed Farmaajo oo la filayo in Hargeysa gaaraan dabayaaqada todobaadkan.

|| Warbaahinta WidhWidh Online News Desk ||

-- Nagala soo xariir : WidhWidh@gmail.com

Share this post

PinIt
    scroll to top