BREAKING NEWS

Africom Oo War Ka Soo Saartay Duqeyn Ka Dhacday Jilib

War qoraal ah oo ka soo baxay taliska AFRICOM ayaa faah faahin looga bixiyey duqeyn diyaaradaha Mareykanka ay ka fuliyeen degmada Jilib ee gobolka Jubada Dhexe

Mareykanka ayaa sheegay in iyagoo kaashanaya ciidanka sida gaarka ah u tababaran ee Soomaaliya ay duqeyn la beegsadeen xubno ka tirsan Al-Shabaab oo ku sugnaa halkaasi.

Sidoo kale Mareykanka ayaa qoraalka ka soo baxay ku sheegay in duqeyntaasi ay ku burburiyeen xarun Al-Shabaab ay ku lahaayeen degmada Jilib ee Jubbada Dhexe.

Qoraalkaan ayaa sidoo kale lagu sheegay in weerarkaasi dhanka cirka ah uusan wax khasaare ah ka soo gaarin dadka rayidka ah.

Maalmihii la soo dhaafay Mareykanka ayaa sare u qaaday dagaalka uu kula jiro Al-Shababa, gaar ahaan duqeymaha uu ka fuliyo koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.

|| Warbaahinta WidhWidh Online News Desk ||

-- Nagala soo xariir : WidhWidh@gmail.com

Share this post

PinIt
    scroll to top