BREAKING NEWS

Siciid Deni Muxuu Ka Doonay Jabuuti Warbixin.

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta markii u horraysay u dhoofay waddank Djibouti, tan iyo wakhtigii la doortay 8-Jannaayo 2019.

Safarka madaxweynaha Puntland uu ku aaday waddanka Djibouti, oo aan la sii shaacin, ayaa warar kala duwan ka soo baxayaan, inkastoo aysan Puntland war ka soo saarin safarkaas.

Ilo’ ku sugan madaxtooyada Puntland oo magacyadooda diiday, waxay Widh Widh Online u sheegeen, in safarkaasi la xiriiro marti-qaad madaxweyne Deni ka helay madaxweynaha dalka Djibouti Ismaïl Omar Guelleh, islamarkaana safarkiisu ku saabsanyahay iskaashiga Puntland iyo Djibouti.

Warar kale oo Widh Widh Online heshay, oo aan weli la xaqiijin ayaa sheegaya, in madaxweyne Deni safarkiisu ka dambeeyay, kulan uu dhowaan la qaatay Taliyaha Ciidamada Maraykanka ee Qaaradda Afrika Gen. Stephen J. Townsend.

Gen Townsend ayaa sida wararku sheegayaan madaxweyne Deni kala hadlay, in Taliska AFRICOM ee ku yaalla waddanka Djibouti loo soo raro Boosaaso, si loo xoojiyo la-dagaallanka Argagixisada.

Balse, arrintaas oo ay horay uga wada-hadleen dowladda Soomaaliya iyo Taliska AFRICOM, ayeysan weli Puntland go’aan rasmiya ka qaadan.

Xogtu waxay intaas ku daraysaa, in Saraakiil sare oo Maraykan ah uu madaxweyne Deni kula kulmi doono magaalada Djibouti, si arrintaas loo sii dhaqaajiyo.

Maraykanka ayaa la aaminsanyahay in uu si weyn u raadinayo saldhig ka baxsan dalka Djibouti, in uu ka samaysto Badda Cas, halkaasi oo uu ku yaallo Gacanka Cadmeed ee Istiraatiijiga ah.

Dalka Djibouti, waxaa saldhig ciidan ku leh dalal kala duwan oo awood leh, kuwaas oo uu kamid yahay waddanka Shiinaha oo Maraykanka kula xifaaltama Qaaradda Afrika.

|| Warbaahinta WidhWidh Online News Desk ||

-- Nagala soo xariir : WidhWidh@gmail.com

Share this post

PinIt
    scroll to top