BREAKING NEWS

Wasiirka maaliyada Itoobiya oo gaaray Hargeysa

Wararka aanu helayno ayaa sheegaya in magaalada Hargeysa ee xarunta Maamul Beeleedka Somaliland uu goordhoweyd gaadhay wafdi uu hogaaminayo wasiirka maaaliyada Itoobiya, Axmed Shide.

Wasiirka ayaa waxaa madaarka magaalada Hargeysa ku soo dhaweeyay xubno wasiiro ah oo ka tirsan maamulka Muuse Biixi Cabdi, iyadoona uu isla maanta kulan uu madaxweynaha kula qaadan doono qasriga madaxtooyada Somaliland.

Sida ay ogaatay Widh Widh Online ujeedka safarka wasiirkan ayaa ah sidii loo dar-dar gelin lahaa xidhiidhka labada dhinac, iyo weliba arrimo la xidhiidha wada-hadalada Soomaaliya iyo Somaliland.

Sidoo kale waxaa soo baxaya warar sheegaya inuu wasiirku qeyb ka yahay cadaadsiyo ay dowladda Itoobiya ku saareyso Maamulka Muuse Biixi inay Hargeysa ku soo dhaweeyaan Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo).

|| Warbaahinta WidhWidh Online News Desk ||

-- Nagala soo xariir : WidhWidh@gmail.com

Share this post

PinIt
    scroll to top