BREAKING NEWS

Gaadiidka Isticmaala Xadka Somalia-Kenya Oo Amar La Siiyey

Kadib weeraro khasaaro geystay oo Al-shabaab ay ku qaadeen bas ay saarnaayeen dad shacab oo ku sii jeeday magaalada Nairobi, dowlada Kenya ayaa soo saartay amaro ka dhanka ah gaadiidka u kala goosha deegaanada gobolka woqooyi iyo magaalada Nairobi ee caasimada Kenya.

Taliyaha ciidamada booliiska gobolka woqooyi bari dalka Kenya Nick Ndalana ayaa sheegay in dhamaan gaadiidka ku safraya gudaha gobolka woqooyi bari ay qasab tahay in ay la socdaan askar booliis ah,si loo yareeyo khatarta amni ee weerarada dhaba galka ah ee Al-shabaab.

Sidoo kale taliyaha ciidamada booliiska gobolka woqooyi bari ayaa sheegay in gaadiidka ka hor yimaada amarkaasi ay la kulmi doonaan ganaax xoogan,isla markaana shatiga shaqada lagala noqon doono.

Amarka kasoo baxay laamaha amaanka ee dowalda Kenya ayaa imaanaya saacado kadib markii Al-shabaab ay dileen sadex ruux oo ay kala dageen bas ku sii jeeday magaalada Nairobi ee caasimada dalka Kenya oo kasoo safray deegaanka Mooyaale ee woqooyi bari.

Si kastaba ha ahaatee, laamaha amaanka ee Kenya ayaa sheegay in mootooyinka yaryar ee ka shaqeeya woqooyi ay ka qeyb qaataan amaan darada gobolkaasi,waxaana lagu amray darawada mootooyinkaasi in aysan shaqeyn Karin wixii ka danbeeya 12ka maqribnimo.

Meelaha ay saameyn doonaan amarada ay soo rogeen booliiska Kenya ayaa waxaa kamid ah Mooyaale,Marsabit, Mandera, Garissa,Wajeer iyo magaala xeebeedka Lamu.

Dowladda Kenya ayaa dedaal badan oo feejignaan ah ku bixineysa weeraro hor leh oo Al-shabaab ay ka fuliyaan qeybo kamid ah gobolka woqooyi bari iyo xuduuda ay wadaagaan dalalka Soomaaliya iyo Kenya.

|| Warbaahinta WidhWidh Online News Desk ||

-- Nagala soo xariir : WidhWidh@gmail.com

Share this post

PinIt
    scroll to top