BREAKING NEWS

Raysal Wasaare yidhi waa In Xoog Lagu Qabta somalialnd{Video}

Ex. Ra’iisul Wasaare Maxamed Cabdi Yuusuf, oo kamid ahaa Ra’iisul wasaarayaashii Soomaaliya soo maray xilligii ku meel gaar ah, ayaa sheegay in xasuuqii loo gaystay Beesha Isaaq uu ku saxnaa Taliskii Jaalle Siyaad.

HALKAN KA DAAWO VIDEO


Isagoo wareysi gaar ah siinayay SHABEELLE TV, ayuu sheegay in dowladdii Kacaanka ay dalka ka difaacaysay, jabhadda SNM oo ku soo duushay gobollada Waqooyi Galbeed, si ay dalka intiisa kale uga goooyaan, sidaasi darteedna dhibaatadii dhacday ay mas’uuliyadeeda qaadayso SNM, balse aysan wax qalad ah samayn dowladdii Kacaanka

Siyaasiga ayaa intaasi raaciyay, in dowladdii Jaalle Siyaad uu waajib ka saarnaa difaaca gobollada Waqooyi galbeed oo ay ku soo duuleen jabhadda SNM oo wadatay calan kale iyo dowladda Itoobiya wakhtigaas cadaawad xun u qabtay Soomaaliya.

Sidoo kale, wuxuu soo jeediyay in hadda dowladda Soomaaliya ee joogta, ay tallaabo militari ka qaaddo Somaliland, haddii maamulkaas Somaliland wada-hadal xal looga keeni waayo

|| Warbaahinta WidhWidh Online News Desk ||

-- Nagala soo xariir : WidhWidh@gmail.com

Share this post

PinIt
    scroll to top